MOQDISHO(TEBIYENEWS)-FAAH FAAHIN YAAB LEH OO KASOO BAXEYSA SARKAALKII IS DALDALEY.

0
39

Cabdi Cali Seed oo ahaa Gaashaanle dhexe Ciidanka Police Soomaaliyeed ayaa saaka meydkiisa laga heley xerada Sheelare oo kutaala degmada xamar-jajab ee gobolka banaadir.

Sarkaalkaan ayaa meydkiisa oo lalaada laga heley qol uu ka deganaa Xerada uu katirsanaa.

Lama xaqiijin karo sarkaalkan in uu isaga isdaldaley iyo in ladaldaley hase yeeshee waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in marxuumkan ka cabanayey maalmihii lasoo dhaanfey dhanka nolasha duruufo laxiriira arintaas oo aan weli lafaah faahin.

Arintaan ayaa noqoneysa mid ku cusub ciidanka policeka soomaaliyeed, waxaana oo la ogyahay daruufaha adag ee ay kashaqeeyaan.

Maydka marxuumka ayaa looqaadey xaruu ta CID magaalada moqdiaho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here