Wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa sidan ku qorey bartiisa facebook.
“Ethiopia Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale u geftay Soomaaliya.
Dalkeenna ayay Saddex u qeybisay. Dalalka ay ku leedahay Wakiillo Diblomaasiyadeed ayay ku dartay Puntland iyo Somaliland.
Eeg lofaaqa, dalalka ay Qunsuliyadaha Guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran Taxa dalalka, laakiin Soomaaliya Muqdisho uun ayay matashaa, taxa dalalka waxaa kula jira Puntland iyo Somaliland.
Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya.
Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda.
Gefkii barta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia markii ay daabacday Soomaaliya oo marka laga reebo Somaliland lagu daray Ethiopia, ayaa dad is yiri khafiifiya.
Waxay yiraahdeen labada Congo waa la isku daray. Sida kale labada Sudan.
Waxaa xusuusin mudan in labada Congo ay Congo wada ahaan jireen, sidoo kale labada Sudan, oo khariidaddu ay sidaa ahaan jirtay.
Laakiin annagu goormaan Ethiopia isku dal ahaan jirnay oo khariidaddu ay sax ahayd? Dowladdeennu ha noo hadasho oo ha gudato waajibkeeda”

