MOQDISHO(TEBIYENEWS)-DOWLAD GOBOLEEDYADA DALKA OO DHUUSAMAREEB KUSHIRI DOONA MARKALE

0
23

madaxdweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa soosaarey warsaxaafadeed uu ugu baaqayo dhammaan maamul goboleedyada dalka kajira in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada dhuusamareeb ee xaruuntada maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegey in kulanka looga arinsan doono sidii xaadaha kajira dalka soomaaliya, waxaanu uu sheegey in dowlada soomaaliya kajartey maamulkiisa dhamaan dhaqaalihii ay siin jirtey.

Sidoo kale warsaxaadeedka ayaa loogu baaqey beesha  caalamka in ay isha ku heyso xaalada cakiran ee dalka uu maraayo.

Bishii may ee sanadkaan ayey shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlada soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada shirkaas oo fashil kudhamaadey. Ugu danbeen warsaxaadeedka ayaa lagu bogaadiyey wakiilka cusub ee jimciyada quruumaha kadhexeysa ee u qaabilsan soomaaliya James  Swan kaas oo horaantii todobaadkan loo soo magacaabey soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here