MOQDISHO(TEBIYENEWS)-CIIDANKA KENYA SOOMAALIYA XOOG AYEY KUSOO GALEEN XOOG KELIYA AYEY UGA BIXI DOONAAN.

0
16

Waxaa sii kordheya mudooyinkii danbe khilaafka udhaxeeya Somaliya iyo Kenya, waxaana labada dal is dhaafasanayaan hadalo xanaf leh oo saxaafada la’isku marinaayo.

Dowlada soomaaliya ayaa lasheegey in ay wado qorshe ciidamada Kenya looga saaraayo dalka kadib markii muranka labada dal circa isku shareerey.

Dowlada Kenya ayaa sheegtey in aysan kabixi doonin dhuulka soomaaliya isla markaan ciidmadeedu ay kamid yihiin nabad ilaaliyaasha midowga afrika.

Ciidamada Kenya ayaa soo galey dalka soomaaliya xiligii sheekh shariif sheekh axmed uu madaxweynaha ahaa ayagoona fasax u heysan.

Madxaweyne shariif Axmed ayaa canbaareyey duulaanka Kenya ay kusoo gashey xilligaas dalka soomaaliya.

 Dowlada Kenya ayaa xilli gaasi sheegtey in ay u baqdey amaankeeda isla markaana ay baacsaneyso kooxda shabab.

Dowlada Kenya ayaa fasax la’aan dalka soo gashey ayadoo mudo xoog ku joogtey qeybo kamid ah soomaaliya.

Kenya ayaa dheleeceen xoog leh kala kulantay wadamada beesha caalamka, kadibna waxey Kenya codsatey in lagu daro ciidan keeda kuwa midowga afrika.

Tan iyo waagaas dowlada Kenya soomaaliya waxey ka fushaneysey arimo ayada ugaar ah ee uma joogin nabad ilaalin.

Ciidamada Kenya ayaa hada umuuqda in ayasan diyaar u aheen in ay kabaxaan dhuulka soomaaliyeed xitaa hadii baarlamaanka soomaaliya uu meel mariyo kasaarida ciidamada Kenya dalka.

Kenyaanka ayaa u muuqdo mid u dhaq mayaa qaab gumeysi isagoona ka faa’ideysanaya is qab qabsiga dadka soomaaliyeed iyo isquursiga gudahooda .

Abawaanadii soomaaliyeed ayaan dhihi jirey “ceesaantii mas iyo good madax shabeel leeftaa malageedibaa galey” Kenya soomaaliya baro ayaa uga dhiman .

Kala qoqobnaanta umada soomaaliyeed ayaa Kenya wadno u yeeleysa ee waxaan kutelin lahaa madaxda qaranka xilka haayo in shacabkooda la heshiiyaan si cadowga soomaali dalka looga sooro.

Wiil qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here