MOQDISHO(TEBIYENEWS) ASKARTA DISHA BAJAAJLEYDA OO GOD KEEDA BIYO UGU SOO GALEY IYO MAXAKADA DARAJADA 1AAD OO MAANTA DHAGEYSATEY EDEYSANDE BAJAAJLE DILEY.

0
33

Magaalda moqdisho waxaa caadi ka noqtey in maalinkasta ladilo dhalinyarada soomaaliyeed ee kaxeysa Bajaaj yada waxaana arinaan noqodtey mid niyad jab weyn kurida dhalinyarada soomaaliyeed iyo waalidiintooda kuwaas oo wadida bajaajta karaad sada quutal yoomka.

Qayladhaan kasoo yeertey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dibad baxyo ay sameeyeen bajaajleyda ayaa xukuumada soomaaliya waxba ka qaban ayadoona madaxweynaha soomaaliya ka Hadley dibad bayo aysameeyeen bajaajleyda soomaaliyeed isagoona si kulul u cabaareeyey kuna  tilmaamey kuwo qas wada yaalka.

Hadaba maanta ayey eheed kadib markii ay neef weyn kasoo foqdey daraawada geeri ujooga noqdey ee looyaqaano bajaajleyda kadib markii maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida soomaaliyeed ay furtey kiiska eedeysane Dable Boolis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan kudiley wadada tarabuunka ee magaalda moqdisho marxuum C/rasaaq Yuusuf guure oo ahaa wade mooto  Bajaaj halka uu dhaawacey Cali Xaashi Mataan.

Guddoomiyaha maxakamada Darajada 1aad ee ciidanka qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqey in maxkada dhegeysigeeda soo gebegeboobey isla markaan go’aanka maxkamada si dhaqsi ah looga dhawaaqi doono.

Arintaan ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey dhamaan bulshada soomaaliyeed, arintaan hadii si cadaalad ah udhacdana lafilayaa in ciidanka is xakameyn doonaan oonan ku xad gudbi dooni qofna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here