MOQDISHO(TEBIYENEWS)-AMIIRKA MUSLIMIINTA AFRIKA MAXAAD KA TAQAAN.

0
27

Madaxweynaha soomaaliya mudane maxamed Cabdullahi Farmaajo oo gaarey magaalada Jiddah ee dalka sacuudiga ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey.

Saxaafada dalka sacuudiga ayaa madaxweyne farmaajo ku magacaabey Amiirka Muslimiinta Afrika ayagoona usababeeyey arintaas heshiiskii uu gar wadeenka ka ahaa oo dhex marey ethiopia iyo eritaria.

Saxaafada sacuudiga ayaa si aan loogu baran u amaaney madaxweynaha soomaaliya waxaana arintaan kusoo beeg meysaa xilli lafilaayo in garwadeen kanoqodo wada hadalo dhex mari doona labada amiir ee qatar iyo sacuudi carabiya.

Dowlada sacuudiga ayaad moodaa in ay sasabaneyso madaxweynaha soomaaliya lamana oga sababta ay hada soomaaliya isugu dhejinayaan ayadoo la ogyahay in dowlada sacuudiga uu soo tarxiilo muwaadiniinta soomaaliyeed oo isku diinta yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here