MOQDISHO (TEBIYENEWS)- FAAH FAAHIN KASOO BAXEYSA DUQEYMADII KA DHACDEY JILIB IYO BU’AALE.

0
32

Waraka ka imaanaya gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in habeenka xaley ahaa duqeymo ka kala dhaceen magaalooyinka Jilib Iyo Bu’aale oo kuwada tirsan Gobalkaasi.

Duqeymaha ayaa lasheegey in ay lala bartilmaameed sananyey xaruumo waaweyn oo ay kulaaheen kooxda alshabaab halkaas, degmada Bu’aale ayaa lasheegey in lagu weeraray halkaasi masuuliyiin katirsan kooxda alshabab wanaana ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan insaldhiga degmada Bu’aale ahaa weerarka

Waxaana lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ciidamo gaaraya 15 ilaa 17 oo katirsan ciidanka xisbada looyaqaano, waraka ayaa intaa kudaraya in dhaawacyo fara badan jiraan. Alshabab ayaa lasheegey in waaberigii saaka ay halkaasi kajareen isgaarsiinta ayagoona lasheegey in ay baartiaano guri guri ah ku sameeyey halkaasi.

Dhanka kale weerar ay fulinaysey diyaarad jawi hoose ku duuleysey ayaa duqeyn ba’an u geysatey degmada Jilib ookatirsan gobokla Jubada dhexe.

Duqeynta Jilib ayaa lagu soo waramaaya in ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo gaaraya ilaa iyo 6 ruux kuwaas oo lasheegey in dowalda mareykanka doon dooneysey mudo dheer ayagoona qaarkood lasheegey in madaxooda lacag saarneyd Dadka deegaanka oo ay adagtahay oo xirirkooda xadidan yahay sababo amni awgeed ayaa sheegaya in saaka degmada Jilib ay ku jirto xaalad  kacsanaan ah ayagoona sheegey in ay arkayeen alshabaab oo halkaasika guureysey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here