Maxkamada ICJ oo mar kale maanta bilaabaysa dhegaysiga dacwada Kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya

0
10

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa maanta mar kale bilaabi doonta dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, ayaa sida qorshaysan bilaaban doona 3 p.m. ee Galabta oo Isniin ah, inkastoo Kenya ka baxday dhegaysiga kiiskan.

Dowladda kenya oo marar kala duwan Maxkamadda ka codsatay in dhegaysiga dib loo dhigo, ayaa markii u dambaysay laga diiday codsigeeda, taas oo keentay in ay ka baxdo dhegaysiga dacwadda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya aya si buuxda uga qayb-gelaysa dhegaysiga kiiska, iyadoo halkaas u dirtay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn isha ugu haya dhegaysiga dacwaddan ku saabsan kiiska badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here