Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Madaxweynaha Bangiga horumarinta Islaamka?

0
4

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa shir qadka Ineternet-ka ee (Video Conference) kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen labada dhinac saameynta dhaqaale ee Covid-19 iyo qaabka Bangiga uu Soomaaliya uga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka,sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Waxa aan maanta si “Maqal-Arag” ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, Waxa aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee Covid-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka ayuu yiri” Wasiir Beyle.

Dalal badan oo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa waxaa hoos u dhacay dhinaca dhaqaalaha maadaama la soo saaray go’aano looga hortagayo faafitaanka Cudurka Coronavirus oo ay kamid yihiin xayiyaarada duulimaadyada Caaamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here