Maxay ka wada hadleen RW.Khayre iyo ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya+Sawirro

0
4

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya gaarimadda mililooyinka ummadda Soomaaliyeed.

15 February  ayay markii Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu xafiiskiisa kula kulan kula qaatay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here