Maxaa sababay in dib u dhac uu ku yimaado shirka Madaxda DF & Maamulada ee Dh/mareeb?

0
8

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamuladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay kulamo ku yeesheen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirarkaas ayaa horudhac u ah kulanka guud oo lagu wadday in uu Talaadada maanta ah furmo balse dib u dhac uu ku yimid ka dib markii madaxda is-faham ka gaari waayeen qodobada masiiriga ah.

Sidda ay xusayaan warbixinadda, kulamadaan ayaa waxay soo bilowdeen fiidnimadii xalay isla markaana la isla soo gaarey saqdii dhexe.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre, iyo dhamaan shanta madaxweyne maamul goboleed ayaa u dhamaa wadahadaladan.

Hogaamiyeyaasha ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulamada gooni-gooni ah inta ay isaga soo dhowaanayaan, wadar-ogolna uga gaarayaan qodobada xudunta u ah is-mari-waaga taagan.

Doorashooyinka soo aadan ee loo qorsheeyay 2020-21 ayaa ah qodobka ugu culus oo looga fadhiyo in ay madaxda heshiis kaga gaaraan shirkooda.

Villa Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa qof iyo cod, balse maamulada ayaa diidey oo cuskanaya in aan la fulin halbeegyadii, kuna baaqay in la aado nooc kale oo ku dhici karta mudada hada hartay.

Sikastaba ha ahaatee, natiijada kasoo baxda shirkaan ayaa kala caddeyn doonta qaabka uu waddanka uga gudbayo mar-xalada kala guurka ah ee uu wajahayo, taas oo walaac badan ku haysa shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here