Maxaa looga hadlaya kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

0
15

Waxaa xarunta guddiyada  Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho maanta ku shiraya guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa kulanka uga hadli doona qodobo ay ka mid yihiin Ajendayaasha kulamada soo socda oo ah kuwa ugu muhiimsan.

Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.

27 Bishaan ayaa lagu waddaa in ay hortaggaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Waxaa sidoo kale laga sugaya dardargalinta howlaha doorashooyinka, maadaama Muddo xileedka baarlamaanka ay ka dhiman tahay 3 bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here