Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa ka doodista wax-ka bedelka xeerka maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaana qodob-qodob uga doodaya wax-ka bedelka xeerkaas.
Wax-ka bedelka Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo maanta qodob-qodob looga dooday ayaa mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sii wadi doonaan ka doodistiisa maalmaha soo socda