MAXAA KA QABSADEY MUSHARAX XIDIG MAANTA GAROONKA KISMAAYO?

0
24

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in uu soo gaarey musharax cabdirashiid xidig magaaladasi waxaana uu kasoo dagey aiport  weyn ee kismaayo caabara duhuradii.

Sheekada xiilaha leh ayaa ah markii uu soo degay sida loola dhaqmey, iyo wixii kala qabsadey isag iyo ciidamadada amaanka ee garoonka.

Dad  lasocoday musharaxan ayaa sheegey in markii ay diyaarada kadegeen ciidamo isku hareereeyeen, kadibna lagu bilaabey baaritaan xoogan,  waxaa  ay sheegeen  in lajeexey qaar kamid ah boorsooyinkii uu watey musharaxa.

Baaritaanka kuma ekaanin keliya alaabtii ay wateen balse waxaa durba lagu amrey in musharaxa uu soo raaco waxaana lasheegey in loo kaxeeyey qol gees ah oo ciidamada amaanka ay kulleeyihiin waxaana lagu soo waramayaa in laga wareystey ujeedkiisa iyo cida soo dirsadey, waxaana ugu danbeyntii lasheegaya in lagu amrey in uu gacmaha kor utaago si loo baaro. Musharax xidig ayaa lasheegey in uu fuliyey dhammaan awaamiirtii lafarey isagoo ugu danbeenna loo ogolaadey in uu gudaha u galao magaalada ciidaka amaanka ayaana lasheegey in ay siiyeen hal gaari ciidan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here