MAXAA DIIDEY IN AY KAMID NOQODAAN AQALKA SARE DADKA LAHEEB SOOCO

0
35

Ku dhaqanka qawaaniinta waa saldhigga aasaasiga u ah sare u qaadidda karaamada dalka, kala dambeynta hay’adaha hoggaaminta, xoojinta xiriirka iyo nabad ku wada noolaanshada bulshada, badbaadinta bay’adda, kobcinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada, sinnaanta, caddaaladda iyo guud ahaan horumarinta dalka.

Waxaa ayaan daro ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed inaan ka aamusno oo indhaha ka eegano cadaalad daradda lagu haayo qayb ka mid ah mushtamaceena oo loo diidan yahay inay qayb ka noqdaan aayo ka talinta dalkooda.

Waxa loogu yeeray AQALKA SARE, waa mid aan shaqayn doonin waayo waa mid hab-dhismeedkiisa ku fadhiya dulmi, sad bursi. Arimahaan waxay tilmaan u tahay u tahay In nidaamka guud ee dalka Soomaaliya la doonaayo in loogu dhisto Jamhuuriyadda sedexaad ay tahay mid salkeedu yahay dulmi, waxaana hubaal ah waxkastoo dulmi ku dhisan inaysan shaqayneeynin.

,Waxaan kula talinayaa walaalahaas laga gardaran yahay inay si nabad ah ugu istaagaan doonista xaqa iyo xuquuqda ayku leeyihiin dalkooda, Inteena jecel ku dhaqanka iyo cadaalada waxaa nagu waajib ah inaan walaalaheen garab istaagno oo aan la baadi goobno cadaalad iyo sinaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here