Mas’uuliyiin ku baxay dilal ka dhacay Xadka Gobolka Hiiraan ee Itoobiya

0
5

Wafdi ka tirsan hoggaanka Nabadgalyada Maamulka iyo Cadaalada Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay gaareen Degmada Feerfeer oo ku taalla Xadka uu Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha hoggaanka Dr Xuseen Xaashi, iyada oo siweyn halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

U jeedada wafdiga ay halkaasi u tageen ayaa waxaa lagu sheegay dilal ka dhacay degaanka abaaleey oo ka tirsan degmada feerfeer,kaas oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed.

Xaalada degaanka abaaleey oo ka tirsan degmada feerfeer ayaa degan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Cagjar uu halkaasi tegi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here