Mareykanka oo War kasoo saarey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

0
8

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in saddex duqaymood oo cusub oo lala beegsaday ururka Al-Shabab ay ka fulisay Gudaha dalka Soomaaliya.

Duqayntan ayaa taliska Maraykana ee Africa ee  loona yaqaan AFRICOM sheegeen inay ka dhacday degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellada Hoose, maakintii shalay ee Axadda.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan lagu dilay siddeed ka tirsaUrurka ururka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa sidoo kale uu sheegay inaan dad shacab ah waxba ku noqonin duqayntan.

Sabtdii, ayaa sidoo kale AFRICOM waxay sheegeen in iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay duqeyn dhinaca cirka ah Jimcihii ku bartilmameedsadeen Xubno  ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Bayaanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka oo 3-dii bishan April ka dhacay agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 Xubnood, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here