Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyay lacagihii deynta uu ku lahaa

0
8

Arrintan ayaa timid kadib markii  Aqalka Kongreska ansixiyeen horumuudna waxaa ka ahaa xildhibaanad Ilhan Cumar oo sheegtay in maanta ay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, arrintanna ay horseedi doontaa in horay loo socdo iyo barwaaqo.

Waxay intaa raacisay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah.

Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Deymaha ayaa caqabad ku ahaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maadama ay adag tahay in waxyaaba badan ay kala macaamisho hey’daha maaliyadda ee caalamka, waxaana qorshahan Mareykanka uu muhiim u yahay qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here