Maraykanka oo sheegtay in ay duqayn ku dileen argagaxiso ku sugan Soomaaliya

0
4

Ciidamada Maraykanka ee loo yaqaan   AFRICOM  ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dileen duqeyn illaa 7 kamid ah kooxda Daacish meel u dhow deegaanka Timirshe, oo 140 km u jira magaalada Boosaaso. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Duqeyntan oo dhacday 21kii bishan ayuu Taliska Ciidamada Maraykanka Africom ku sheegay inaysan wax waxyeello ah ka soo gaarin dad rayid ah.

Duqaynta AFRICOM ayaa ku soo adaay iyada ay ciidamada Mareykanka ay ku sugnaayeen aagga si ay talo iyo caawimaad u siiyaan ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno kooxaha argagixisada, islamarkaana aan saaxiibadeena Soomaaliya ka caawinno inay kala dhantaalaan howlgalladooda,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos, oo ah agaasime ku-xigeenka howlgallada AFRICOM.

“Waxaan sii wadeynaa taageeradeena si aan waxa la midka ah Daacish iyo Al-Shabaab uga ciribtirno Soomaaliya.”. Deegaanka Timirshe, gaar ahaan goob lagu magacaabo Ceelka Il waxaa ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish, waxaana kadib xigay duqeynta ciidamada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here