MAQAAL: QALADAADKA AY GALEEN HOGAANKA DOWLADDA SANADIHII LA SOO DHAAFAY MAXAA KA MID?

0
101

Maqaal uu qorey mid kamid ah aqoon yahanada soomaaliyeed ayaa sidan ku bilaabanaya.

Madaxwayne Mudane Mohamed Abdulaahi Farmaajo, dowladiisa waxay ahayd rajadda shacabka Soomaaliyeed, nasiib daro kuma socoto jidkii ayka filayeen shacabka dowladda ay hogaaminayaan Madaxwayne Farmaajo iyo Raisal Wasaare Khayre.

Anigoo og marxaladda adag ayku shaqeeynayaan, walina ay jiraan Ajaanib duulaan ku ah dalkaan Soomaaliya si ay ula wareegaan qayraadkiisa, sidoo kalena ay jiraan kuwa damiir laawayaal ah uu u shaqeeya ajaanibtaas. Hadana runta waxay tahay In labadii sano ee la soo dhaafay ay wax badan qaldeen oo dhibka ku ah Soomaaliya iyo dowladnimadeeda.

Maxaa ka mid ah qaladaadkooda?

1- Hay’adahii muhiimka u ahaa dalka iyo dadka Soomaaliya oo ay madax looga dhigay xildhibaano aan awood iyo aqoonba u lahayn inay hogaamiyaan hay’adahaas, tasoo curyaamisay dhismaha hay’adahaas dowliga ah oo maanta dalka Soomaaliya aad ugu baahan yahay.

Maxay tahay sababta ay arinkaan u sameeyeen?

Waxay ka fikireen oo kaliya inaan laga keenin mooshin oo ay hantaan aq’labiyada baarlamaanka, qaladkaas wuxuu wax u dhimay dib u dhiska hay’adaha muhiimka u ahaa dalka.

2- Waxay faragelin toos ah ku sameeyeen dooraashadii gobolada dalka tasoo ka hor imaaneeyso dastuurka dalka, oo ayaga ka masuul ah inay dhoowraan dastuurka dalka. Arinkaan waxay ku lumiyeen kalsoonida inta badan shacabka hore u taageersanaa.

Maxay arinkaan u sameeyeen?

Waxay kaliya ka fikireen inay qofkeey doonaan gobolada madax uga dhigaan, tasoo ayku gaari karaan inay 2021 ay helaan xildhibaano ayaga soo doorto mar labaad, lakiin uma jeedaan waxa ay lumiyeen, waxana fikirkooda qaldan dhib u geeysatay shacabka wakiil looga dhigay kuwa aan aqoon u lahay hogaan maamul.

3- Waxay iska indho tireen inay dib u dhisaan sida dastuurka dalka ku cad Maxkamad Sare oo madax-banaan.

Maxay arinkaan u sameeyeen?

Waxay eegeen oo kaliya In awooda dowlada ayku koobnaato golaha fulinta oo kaliya, tasoo maanta aan arkeeyno dowlad goboleedyadii ay leeyihiin waxaan xiriirka u jarnay dowlada federalka, hadaba yaa fasiraayo sharciga mar hadeey meesha ka maqan tahay maxkamadii sare?

4- Waxay aad u isticmaalaan hadalo kulkulul iyo xoog, tasoo meesha ka saareeysa dib u heshisiinta maanta uu dalkeena u baahan yahay.

Maxay tahay sababta?

Waa kalsooni xumo iyo kuwii loo dhiibay hogaanka ciidanka oo aan waligood arag nabad waxna ka aqoon dib u heshisiin iyo maamul dowladeed.

MUCAARADKA?

Mucaaradka dowlada ka soo hor jeedo ma yihiin kuwa dhaama dowlada hada jirtaa?

MAYA. Mucaaradka dowladda ka soo horjeeda maanta ee aan hada aragno ma qabo inay yihiin kuwa dalkaan iyo dadkiisaba lagu aamini karo sababo badan awgood.

Wa bilaahi towfiiq.

Xigansho:sheikh Cabukar Qasim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here