Maleeshiyaad dil & dhac geystay oo gacanta lagu dhigay

0
4

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad hubeysnaa oo shalay gelinkii dambe  dil iyo dhac ka geystay deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Maleeshiyaadkaan ayaa rasaas huwiyey Gaari uu watay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdiwahaab Cawil ,kaas oo ku dhintey rasaastii ay ku fureen xilli uu marayay inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee Gobolka Sanaag,iyaga oo qaatay gaarigii uu watay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka falkaasi geystay oo lagu raadjoogay laga soo qabtay deegaanka Buraan oo ka tirsan Gobolka ay Puntland u taqaano Heylaan.

Ragga hubeysnaa ee la soo qabtay ayaa tiro ahaan waxaa ay gaarayaan ilaa laba Ruux gaarigii Ninkii ay dileen iyo labo qoryaha fudud ah,iyaga oo Xabsiga la dhigay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Saddex kale oo ka mid ahaa ragga weerarka geystay ay ku raadjoogaan si cadaaladda loo marsiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here