Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen si dadban ugu weeraray siyaasiyiinta kasoo jeedda beesha Habar-Gidir ee mucaaradka ku ah dowladda.
Lafta-gareen oo ka hadlay Baydhaba ayaa yiri ““Siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxaana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer Koonfur Galbeed ah, gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaaya.”
Mahad Salaad ayaa qoraal hadalkaas jawaab u ah oo soo dhigay facebook, ku yiri “Waxaan dhagaystay khudbad xalay magaalada Baydhabo uu ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Lafta Gareen uuna leeyahay reer Galmudug ayaa xasuuq noo geystay, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdadii Gaalkacyo ka dhacday dhowr bilood kahor.”
Waxa uu intaas ku daray “Madaxweyne Lafta Gareen mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena!”
“Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii mooryaanka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadishu isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado!” ayuu yiri Mahad Salaad.
“Ugu danbeyntii Madaxweyne Lafta Gareenow waxaan ku leeyahay “Mooryaanka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”!