Madaxweynihii dalka Chad oo lagu dilay furinta hore ee dagaalka

0
4

Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby ayaa la dilay isaga oo ku jira furinta hore ee dagaal ay dowladda kula jirto kooxaha mucaaradka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada

Madaxweyne Idriss Deby ayaa Isniintii tagtay un markii lixaad ku guuleystay doorashada madaxweynaha ee dalkaas ka dhacday, taasi oo ay mas’uuliyiinta ay sheegeen inuu helay 79% codadka.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in Deby lagu dilay dagaal ka socda waqooyiga dalkaas.

Madaxweyne Deby ayaa ahaa 68 jir, wuxuuna dalka Chad hoggaaminayey tan iyo 1990-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here