Madaxweyne Waare oo xilkii ka qaaday qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada isagoo magacaabay xubno kale

0
3

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabelle Maxamee Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday xubno ka tirsanaa golihiisa wasiirrda isagoo magacaabay xubno cusub.

Madaxweyne Waare ayaa xilkii ka wasiirkii Tamarta iyo Biyaha Hir-shabelle Saalax Maxamed Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Xildhibaan Shuceyb Cabdikariin oo ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale isla wareegtadan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare waxaa wasiiru-dowlaha wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-shabelle loogu magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow oo isna ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Wareegtadan ayaa lagu xusay in baahi loo qabey dar-dargalinta hawlaha adag ee hor-yaalla wasaaradahaas ay sabab u tahay is bedelkan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here