Madaxweyne Waare oo xilalka ka qaaday Wasiirro kuwo kalana magacaabay

0
38

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu saaray xilalkii ugu qaaday qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada isaga oo dhan kalana magacaabay Wasiirro cusub.Madaxweyne Waare ayaa Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Nuur, halka wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga loo magacaabay  xildhibaan Maxamed Cabdi Cali,wasiirka waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdulaahi Abuukar Xuseen sidoo kale waxaa wasiirka biyaha iyo tamarta  loo magacaabay Saalax Maxamed Xasan, wasiir ku xigeenka wasaarada  dastuurka ayaa loo magacaabay xildhibaan Cabdinaafac Macalin Rashiid. 

Ma’aha isku shaandheyntii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne Waare tan iyo markii loo doortay xilka, isaga oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale  u sameeyay isku shaandheyn iyo magacaabis cusub.

Hoos ka Akhriso Wareegtada :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here