MADAXWEYNE WAARE OO AMAR KU SIIYEY IN AY KABAXAAN SHAQAALAHII IMTAXAANKA EE MOGDISHO LAGA SOO DIREY.

0
27

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maanta dibad baxyo looga soo horjeedo go’aankii wasiir goodax kadhacey halkaasi.

Isa soobaxa oo kadhacey magaalooyinka waweyn ee maamulka  hirshabeelle, ayaa waxaa ka qeyb galey madaxweynaha maamulka hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare, isagoona laqeybsadey ardeydii soo banana baxdey dareenkooda.

Madaxweyne waare ayaa wasaarada waxbarashada ku eedeeyey in ay ku fashilantey in ay qaado imtaxanka isla markaasna amar ku siiyey saraakiishii qaadeysey imtaxaanka hirshabeelle, in ay si deg dedg ah ugu baxaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka hershabeelle.

Mr. waare oo ka muuqatey caro ayaa dowlada federalka ah ku dhaliiley in ay fududeysatey masuuliyada imtaxaanka, isagoona carbaabey in wixii hada ka danbeeya hirshabeele ay masuul katahay waxbarashada iyo imtaxaanka.

“ waxaan idin ballan qaadayaa wixii maanta kadanbeeya in imtaxaanka maamulka hirshabeelle masuul kayahay, waxaana arintaan dhacdey usaari doonaa, guddi isku dhaf ah oo ka kala imaanaya; ardeyda, waalidiinta, culamada, aqoonyahanada, maamulka iyo hay’adaha kashaqeeya arimaha waxbarashada” ayuu yiri madaxweyne waare oo lahadlay boqolal ardey iyo waalidiin isugu jira oo isugu soo baxey fagaare ku yaala magaalada jowahr ee xaruunta maamulka hirshabeelle.

Hadalka madaxweyne waare ayaa muujinaya hurguf siyaasadeed oo isaga iyo dowlada soo dhax gashey, walow uusan dowlada wada cambaareyn hada hadalkiisa ayaa laga dhadhansan karey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here