MADAXWEYNE LUGU DHEERE OO KULAN QADAHA USAMEEYEY AMISOM.

0
25

KISMAAYO(TEBIYENEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta kulan qado ah u sameeyay saraakiisha ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya ee ka howlgala Jubbaland.

Kulanka qadada ah ee uu sameeyey Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, Saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo mas’uuliyin kale.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa in ciidanka AMISOM iyo Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan ladagaalanka kooxda argagixisada Al-shabaab, in labada dhinac ay yeeshaan iska warqab joogto ah iyo in si wadajir ah loo qaado howlgallo lagu gaarayo dhulka ay ku dhuumaalaystaan kooxaha nabad-diidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here