Madaxweyne laftagareen oo lakulmey Hay’adaha amaanka Hobolka Bakool.

0
22

XUDUR(TEBIYENEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ,ayaa gudoomiyey shir ay isugu yimadeen lamaha amaanka gobolka Bakool, kaasi oo looga hadlayey xoojinta ammaanka degmooyinka gobolkas ,

waxaa shirka sidoo kale goob joog ahaa wasiir ku xigeenka ammniga kg, taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad, taliya ciidanka darawishta kg, saraakiil ka socotay ciidanka AMISOM, inta uu socday shirka waxaa la isku dhaafsaday fikrado kala duwan oo lagula dagaalamayo nabadiidka Alshabaab ,kaasi oona la doonayo in sida ugu dhow in Al-shabaab looga sifeeyo goobaha ay kaga suganyihiin guud ahaan Koonfur Galbeed.

Shirka inta uu socday waxaa warbixino ku aadan ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad guutada 9aad laga dhegeystay taliyaha guutada waxana uu shegey in ciidanka badankood ay qaadan howlagalo lagula dagaalamayo haraadiga Al-shabaab.

Shirka oo ahaa mid inta badan looga hadlayey Ammaanka gobolka bakool,ayaa la isku af gartey in laga shaqeeyo xureynta gobolka bakool, oo degmooyin qaar ay gacanta kaga jiraan kooxda nabad diidka Al-shabaab.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dadaalo Dheer ugu jirta Sidii loo Furi Laha guud ahaanba waddoyinka deeganada KG -Kooxda Argigaxisada Al-Shabab looga xureen lahaa Deeganada yer ay gacantooda ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here