Madaxweyne Laftagareen ayaa gudi u saaray Dagaalka ka dhacay Dagmada Walaweyn

0
27

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaada ka socota Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Lafta-gareen ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday Codaada Wanla-weyn, wuxuuna Colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.

Waxaa uu sheegay inay sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi u saari doonaan Colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.

Ugu dambeyn Maamulka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhamaan lamaha amniga ee ku sugan Wanla-weyn si buuxda u faray inay kala dhex-galaan Maleeshiyaadka ku dagaalamaya halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here