Madaxweyne Kenyatta oo Magacaabay Guddi sare oo uu ku jiro nin Soomaali ah

0
11

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa  maanta magacaabay Guddiga Sare ee Garsoorka Kenya oo ka kooban 11 xubnood.

Guddigan ayaa waxaa ku jira nin Soomaali ah oo la yiraahdo Garyaqaan Cabduqaadir Xuseen Maxamed sida ku xusan qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

Ninkan ayaa mar madax ka ahaa guddiga sameynta Dastuurka Kenya , isagoo sidoo kale noqday mar La-taliyaha Madaxweynaha kenya ee dhanka sharciga.

Garyaqaan Cabduqaadir Xuseen Maxamed oo ku dhashay Mandhera ee gobolka Soomaalida ayaa ka baxay Jaamacad ku taalla dalkaas oo uu ka bartay sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here