Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fariin uu u diray shacabka dalkiisa kula wadaagay xaaladda isa soo tareysa ee Cudurka Coronavirus iyo dhaqangelin la’aanta tallaabooyinka caafimaad ee loo jeedinayo.
Geelle ayaa sheegay in muddo bil ah kiisaska fayruska Corona uu ku gaaray 846 iyo Dhimashada labo ruux, iyada oo si maalinle ah natiijada baarista caafimaad ay usoo saarto Wasaaradda Caafimadda Jabuuti.
“Dadku waa in ay ku ekeedaan Guryahooda, waa halis aan indhaha laga qabsan Karin kiisaska sii kordhaya, walaalayaal waa in aad kamid noqotaan xalka soo afjaridda cudurka ee ma ahan in aad sii kordhisaan oo xaaladda murjisaan, haddii la joojin waayo isu imaatinka waxa aan soo rogi doonaa Bandow habeen iyo maalin ah” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.
Dadka intooda badan waxa uu sheegay in aysan ku baraarugsaneen haliska oo khatar sidaas uweyn uma arkaan, Dowladdu waxa ay la tacaaleysaa kahor tagga kiisaska sii kordhaya ee Coronavirus.
“Waxa cudurka faafinaya ee sii gudbinaya waa dadka, haddii la yareysto oo uu cudurka sii socda waa in aynu qaadnaa tallaabooyinka ku habboon, waana joojinta dhaq-dhaqaaqyada iyo isu socodka dadka si halista fayruska looga baajiyo dadka caafimaadkoodu wanaagsan yahay” waxaa sidaasi yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Dowladda Jabuuti waxa ay ku jirtaa kaalinta sagaalaad dalalka Afrika ee kiisaska cudurka Coronavirus laga helay, waxaana ka horeeya Masar, Koofur Afrika, Morooko, Aljeeriya, Kaamiruun, Gaana, Tuniisiya iyo Ivery Coast.