Madaxweyne Farmaajo,R/W Kheyre & Qoor qoor Oo Shir Yeeshay

0
4

Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulan Albaabada uxirnaa la yeeshay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).

Kulanka waxaan si cad loo ogeyn waxa looga hadlay iyadoo warar hordhac ah aan ogaanay sheegayaan in Arimaha Shirka Dhuuso mareeb qaabka laga yeeli doono.

Waxaa amniga aad loo adkeeyey Madaxtooyada Galmudug Oo Madaxda ay ku shirayeen,sidaas si la mid ah Kulamo kale ayaa dhici doona oo Farmaajo la qaadanayo Hogaamiyeyaasha Dawlad Gobolleedyada.

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamo badan lasoo dhoobay waddooyinka muhiimka ah,taas oo laga digtoon yahay Carqalad walbo oo amniga lagu dhibaateyn kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here