Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigay wado isku xirta Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo

0
7

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida Masuuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta wadooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaaladda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug.

Dhagax dhiga wejiga labaad ee Wadooyinka Nabadda Gaalkacyo, oo maanta ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalim Fiqi, Goleyaasha Puntland ee ku sugan Gaalkacyo, Guddoomiyeyaasha degmada ee Puntland iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamada ee labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here