MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO QAABILEY WASIIRKA MAALIYADA ITOOBIYA

0
41

MUQDISHO(TEBIYENEWS)- sida ay baahisey warbaahinta madaxtooyada soomaaliya madaxweynaha soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka wasaarada maaliyada Itoobiya.

Madaxweynaha JFS ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya kaasoo dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Dr. Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here