Madaxweynaha Puntland oo farriin u direy Imaaraadka Carabta

0
5

Madaxweyne Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku ugu deeqay Puntland.

“Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadannimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.

Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here