Madaxweynaha Maraykanka oo saxiixay sharciga dayn cafinta Soomaaliya

0
17

Madaxweynaha dalka Maraykanka DonaldTrump ayaa saxiixay sharci dhammaystiran oo muddo sannad ah ah oggolaanaya wajiga koowaad ee deyn cafinta Soomaaliya.

Horaantii todobaadkan golaha Koongarayska ayaa meel mariyey sharci oggolanaya in Soomaaliya laga $ 1.1 billion oo ah deynta uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya.

“Cafinta deynta Soomaaliya waxay la macno tahay dhismaha wadooyin cusub, xoojinta haweenka iyo in loo dhaqaaqo tallaabooyin horay loogu qaadayo si loo soo afjaro saboolnimada ba’an,” ayuu yiri Eric LeCompte, Madaxa Fulinta Jubilee oo ah koox ka shaqeynaysay gargaarka deyn cafinta Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa arbacadii ku dhawaaqday in ay qabanqaabineyso cafinta qaybteeda deynta Soomaaliya oo gaareysa $ 140 milyan.

Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $ 4.6 bilyan oo deyn ah. Mareykanka oo kaliya ayaa ku leh  $ 1.1 bilyan.

Inta soo hartay deynta waxaa iska leh Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka, Faransiiska iyo Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here