Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qarax saaka ka dhacay isgooyska EX Contoral Afgooye halkaas oo ay ku naf waayeen Dad shacab ah oo u badnaa arday u socotay goob waxbarasho.
Waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu xanuunka la qaybsanayo ehelada dadkooda ku waayay masiibadan
Madaxweynahu wuxuu dadka halkaas ku geeriyooday Allah uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana kuwa dhaawaca ah ayuu u rajeeyay Caafimaad deg deg ah.
Agaasimaha Cisbitaal Madino Dr Maxamed Yuusuf, wuxuu hada xaqiijiyay in Dhimashada ay tahay 73 maydad ah halka dhaawacana uu yahay 52 ruux.
Dr Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ay tahay tirada Isbitaalka Madiina soo gaartay