Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0
5

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo Magaalada Kismaayo u tegay furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale.

Waxaa Madaxweynahu uu Safiirka uga mahad celiyay Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow waxaana ugu muhiimsan Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here