Madaxweynaha Jubbaland oo furay Shirka Wasaaradaha Maaliyada

0
13

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goor dhow magaalada Kismaayo ka furay shirka Wasaaradaha Maaliyada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ka dib markii Wasiiradda Maaliyadda ay shalay gelinkii dambe gaareen Kismaayo.

Shirkan ayaa looga hadlayaa maareynta maaliyadda dadweynaha iyo nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shirka ka jeediyay Khudbad dhinacyo kala taabaneysay oo ka hadleysay xoojinta Nidaamka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta dowlada iyo maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo heer wasiiro ah oo lagu qabto magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Soomaaliya ay qaadacday dib u doorashadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here