Madaxweynaha Jubbaland oo AMISOM kala hadlay sugida Amniga goobta doorashada

0
17

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya mudane Francisco Madeira.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan.

Shirkaan ayaa sidookale looga hadlay howlgalka ciidanka AMISOM ee degaanada maamulka Jubbaland iyo sidii loo xoojin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here