Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Madaxweyne-yaashii hore ee dalka

0
5

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabelle oo tan iyo Isniintii ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee maanta kula kulmay Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay la kulanka Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, kuwaa oo sida uu sheegay deegaan ahaan ka soo jeeda Hirshabelle.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan la kulmay Madaxweyne-yaashii Hore ee dalka, Cali Mahdi, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed,  oo dhammaantood deegaankooda iyo doorashadoodu tahay HirShabelle.” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaan faah faahin ka bixin waxa kulanka looga hadlay, balse taasi bedelkeeda waxaa uu sheegay in uu waaya-aragnimo ka soo faa’iiday la kulankooda.

“Wax badan oo waaya-aragnimo ah ayaan ka soo faa’iday.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare oo warkan ku sheegay qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here