Madaxii Jabhadaha Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose iyo 18 dagaalame ‘oo la dilay’

0
5

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen buunda Bariire iyo tuulada Nuungare oo ka tirsan degaanka Bariire waxay ku dileen in ka badan 18 dagaalame iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay.

Taliyaha ururka 143-aad ee ciidanka xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa Idaacada Ciidamada u sheegay in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan ay ciidamadu ka fuliyeen buunda bariire iyo nawaaxigeeda.

Waxa uu sheegay inay ciidamadu dileen Siidow Nuur Abuu Muxsin oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo 18 dagaalame oo kale.

Taliyaha ayaa sidoo akle sheegay in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxa Jabhada ee gobolka Shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here