Madaxda labada gole ee BJFS oo Turkiga ku go’doonsan & RW Kheyre oo ku wargeliyay in ay halkooda joogaan.

0
5

Sida ay Tebiyenews u sheegeen masuuliyiin ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha BJFS waxaa dalka Turkiga  go’doon ku ah labada guddoomiye ee baarlamaanka Soomaaliya ee kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mas’uuliyiintaan oo nasiino iyo shirar siyaasadeed u tegay dalka Turkiga ayaa ka hor inta aysan soo laaban waxaa dalkaas ka bilaawday Covid-19 iyadoo kadibna dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah.

Sida loo xaqiijiyay Tebiyenews waxaa diyaarad siday gargaar oo ka soo baxeysay magaalada Ankara codsaday in ay sii qaado Guddoomiyaha BJFS Maxamed Mursal, waxaana markii uu is diyaariyay oo rabay in uu soo baxo qadka telefoonka kala hadlay RW Xasan Cali Kheyre kaasoo u sheegay in Gud. Mursal aanay muhiim hadda ahayn in uu yimaado isla markaana ku wargeliyay in uu halkiisa iska sii soo joog.

Guddoomiya Mursal ayaa arrintan aad uga carooday balse aqbalay in uu sii joogo sida Tebiyenews aay ogaatay.

RW Xasan Cali Kheyre ayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray Guddoomiyihii hore Maxamed Cusmaan Jawaari ku amar tukaaleynayay BJFS wuxuu doonana ka sameynayay.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare oo codsaday in loo soo diro diyaarad qaas ah uu RW Kheyre ku wargeliyay in aanay muhiim ahayn in uu hadda dalka dib ugu soo laabto.

Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saameynta weyn ku yeeshay cudurka faafa ee Covid-19, waxa uuna xirtay xuduudihiisa bad, berri iyo cirba waana sababta keentay in mas’uuliyiintaas ay soo laaban waayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here