Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Galmudug Mudane Ali Daahir Eid ayaa manta booqasho ugu tagay dufcadii ugu horaysa ee Ciidamada Darawiish Galmudug State.
Madaxweyne kuxigeen ayaa ugu horayn warbixin ka dhagaystay saraakisha qabilsan tababarka Ciidanka cusub ee Darwiishta Galmudug.
Taliyaha Tababarka Ciidankaan qabiilsan ayaa Madaxweynaha u sheegay in Tababarka Ciidankan uu meel wanagsan marayo lona bahan yahay in lo diyaariyo Dareeskii Ciidanka iyo waliba Qalabkii ay adeegsanayeen .
Sido kale Taliyahu wuxuu sheegay in Ciidankaan ay u bahan yihiin dhiirigalin sida in la so boqdo Xaquuqdoodana laga war hayo.
Madaxweyne kuxigeenka oo gobtaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Saraakiisha Tababarka gacanta ku haya waxaana uu sheegay in ay qabteen Shaqo qimo u leh Galmudug State.
Sido kale waxa uu Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ciidamada Cusub ee Darwiishta Galmudug kala dardaarmay in ay si wanagsan u dhamaystan Tababarka ay ku jiraan.
Ugu danbeyn Saraakiiisha Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka ayaa Ciidamada Cusub ee Darwiishta Galmudug ku wareejiyay Xoolo nool iyo Rashiin.