Madaafiic Lagu garaacay Shacab & Meydadka 10 Qof Ku Dhaw Oo Hadda Yaalla

0
8

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in madaafiic lagu garaacay dad shacab ah meel ay kusugnaayeen.

Goob joogayaal ayaa waxay sheegeen in Beeraleey kusugnaa Deegaanka Janaale ay hoobiyeyaasha ku dhaceen.

Waxa ku dhintay inta la xaqiijiyey 7 Qof oo ahaa dadkii beeraleyda ahaa,kuwaas oo meydkooda ay cabaar yaaleen halkaasi.

Hoobiyeyaasha waxaa la sheegay inay soo tuureen ciidamada Burundi Ee kusugan Duleedka Janaale,lamana sheegin waxyaabaha keenay inay duqeyntaas fuliyaan.

Janaale waa deegaan dhul beereedka caan ku ah,bilo ka hor ayaa Al Shabaab laga saaray gacan ku heynta deegaanka,balse dhowr mar waxaa jirtay in weeraro gaadmo ah ay soo qaadeen Al Shabaab,oo shacabka waxyeelo kasoo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here