Madaafiic Lagu Garaacay Duleedka Kismaayo & Faah faahin Kusaabsan

0
4

Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyo Ciidamada kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Jubadda Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Weerarka koowaad ayaa lagu qaaday saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee dhaca duleedka Kismaayo, halkaas oo saldhig u ah Ciidamadda kenya.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in jugta maadaafiic si weyn looga maqlay Deegaanka,islamarkaana Ciidamadda Kenya ay jawaab ku bixiyeen.

Dhanka kale dagaalyahanada Shabaab ayaa weerar kan lamid ah waxa ay ku qaadeen Saldhiga ciidamadda Kenya ee Deegaanka Kulbiyow halkaas oo dhowr jeer oo hore lagu qaaday weeraro khasaare badan dhaliyay.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in weerarkaan ay ku dhinteen 4-askari oo kenyaan ahaa,7-kalana lagu dhaawacay,kuwaasi oo dhaaawacyadooda loo qaaday dhanka Kenya.

Sidoo kale Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in lasii kordhin doono weeraradda lagu qaado Saldhigyadda ciidamadda Kenya iyo kuwa Jubbaland eek u yaala Goboladda Jubooyinka iyo Gedo.

Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka melliteriga Kenya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weeraradii ciidamadooda lagula beegsaday gobolka Jubbada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here