11 Bilood kadib, Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliya Ghanaian Bashir Hayford ee u dhashay Dalka Ghana ayaa shaqada isaga tagay sabab la xiriirta Amniga Soomaaliya ee dhaca Bariga Afrika.
Macalinkaan waxa uu sheegay in heer wanaagsan uu gaarsiiyay Xulka Qaranka Soomaaliya, mudadii uu maamulka u hayay, waxaana uu sheegay in amni darrada awgeed uu kaga tagay shaqadiisa.
Inta uu hogaanka u hayay Shaqada Xiddiga Tebiyenews (Ocean Stars) waxa uu la gaaray guul Muhiim ah, kadib markii ay garaaceen Xulka Zimbabwe lugtii hore ee is reeb-reebka koobka Adduunka 2022 lagu qabanayo Dalka Qatar.
Waxa uu ku guul dareystay in uu Xulka Soomaaliya oo Najiito wanaagsan heystay uu usoo saaro Wareegyada kale ee Is reeb-reebka Dhacda Adduunka 2022-ka, maadaama Xul Zimbabwe oo guridooda ku dheelayay ay heleen natiijo ah 3-1, sidaasna ay kusoo baxeen.
Hayford waxa uu shaqada Qaranka Soomaaliya qabtay sanadkii 2019-kii, waxaana xiligaas uu kasoo tagay Maamulka Xulka Haweenka Ghana oo uu macalin u noqday Bishii August 2018-kii.
Xulka Soomaaliya ayaa ka baaraan-degaya macalinka xiga ee Buuxinaya booska uu baneeyay Ghanaian Bashir Hayford oo dadka falanqeeya Ciyaaraha ku tilmaameen in uu ka shaqeeyay dib u hagaajinta Ciyaartoyda Qaranka.