Maamulka G/Hiiraan oo digniin u direy Hay’adaha Samafalka

0
3

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa marka hore u mahad celiyey qaar kamid ah Hay’adaha Samafalka oo uu sheegay inay si wanaagsan ugu gargaaraan dadka Shacabka ah.

Dhinaca kale waxaa uu u digey qaar kamid ah Hay’adaha Samafalka oo uu sheegay inay ku Shaqeysataan magaca Hay’adaha Samafalka,hayeeshee aysan jirin wax ay u qabtaan dadka u baahan gurmadka.

“Waan iska joogaa hay’ad ayaan ahay waan iska joogaa wax ayaan qabtay la iskama yeelaayo waxqabad ayaa la iska rabaa hay’adii laga waayana waa ay iska baxeysaa qalabkaaga aruurso ayaan leeyahay ayuu yiri” Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolka Hiiraan inay dar dar geliyaan howlaha samafalka ah oo ay ugu gargaarayaan dadka barakacayaasha ah.

Hadalkaan ayaa Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali waxaa uu sheegay Maanta xilli uu booqday laba kaam oo ku yaalla Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne oo ay degan yihiin dad barakacayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here