Maalinta Beri Ah C/casiis Lafti-gareen Wuxuu Mudo Korarsi Halsano Ah Weydiisanayaa Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 65% Uu Isaga Abtiga U Yahay.

0
5

Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Ayaa 6/10/2019-ka War Saxaafadeed Kasoo Saartey Doorashooyinkii La Doonaayey In Ay Ka Dhacaan Maamulada Jubbaland & Galmudug, Wasaaradu Waxey Sheegtey In Muda Kororsi Maamul Gobaleedyada Dalka Aan Laga Aqbali Doonin.

Madaxweyne C/casiis Lafti-gareen Oo La Doortey 19-kii December 2018-ka, Wuxuu Xilka Madaxweynenimo Hayaa Muda Ku Siman Sanad & Bar. 20/04/2020-ka Oo Ah Maalinta Beri Ah Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Wuxuu Mudo Korarsi Halsano Ah Weydiisanayaa Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 65% Uu Isaga Abtiga U Yahay. Su’aasha Is Weydiinta Mudan Ayaa Ah, Aaway Wasaaradii Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, Ee Muumulada Jubbaland Galmudug, Muda Korarsiga U Diidey, Mise Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa Noqdey “La Jiifiyana Banaan La Joojiyana Banaan”!.

Maxey tahay Sababta Ka Danbeysa In Madaxweyne C/casiis Lafti-gareen Xiligaan Oo Dunidu Saameeyey Cudurka Safmareenka Ah Ee COVID-19, Muda Korarsi U Raadinaayo!. Waxaan Shaki Ku Jirin In Madaxweyne C/casiis Lafti-gareen Uu Qabo Kalsooni Daro Ah, Inuusan Xilkiisa Dhameysan Doonin, Hadii Maamulka Villa Somalia Ayaa Xafiiska Baneeyaan!.

Madaxweyne C/casiis Lafti-gareen Ayaa Guri Ka Iibsadey Dalka Turkiga, Isagoo Cabsi Ka Qaba Kacdoon Shacab Oo Ay Sameeyaan Shacab Weynaha Ree Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne C/casiis Lafti-gareen Oo Hal Maalin Aan Ka Hadlin Dhibaatooyinkii Ka Dhacey Gobalka Shabeelada Hoose & Degmada Diinsoor Ayaa Maalinta Beri Ah Muda Korarsi Hal Sano Ah Ka Raadinaya Xildhibaanada 2aad Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 65% Uu Isaga Abtiga U Yahay!.

61-dii Xildhibaan Ee Deegaan Doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Ayaa Iyagana Ka Rajo Dhigey Xaalada Kasoo Cusboonaatey Koonfur Galbeed Kadib Markii Dhamaantood Loo Sheegey In Aysan Kuraasta Kusoo Noqon Doonin!. Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa Gebi Ahaanba Curyaamiyey, Siyaasiyiinti, Aqoonyahankii, & Dhamaan Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan. Mudane Madaxweyne Wali Waxaad Heysataa Fursad Aad Iskugu Keeni Karto Shacabka & Siyaasiyiinta Kaa Fikir Duwan Ee Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mahadsanidiin. W/Q: Hon Hassan Ali Noor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here