M. Bixi “waxan u sheegay Kheyre in uu isa-soo xureeyo, anagu nin adeege ah wax kuma darsano

0
14

Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu socday kulankii Jabuuti waxa uu  codsaday in uu shir gaar ah la galo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muse Bixi, kulankaas oo aan qayb ka ahaynin  kulanka u dhaxeeya Somaliland iyoS Soomaaliya.

Muse oo markii hore ay la kulmeen ganacsato ka soo jeedo beesha uu ka dhashay Xasan Kheyre oo ay wehliyaan ganacsato ka soo jeedo Somaliland, gaar ahaan qaar ka tirsan Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa waxa lagu qanciyay Muse Bixi in uu kulan gaar ah oo qarsoodi la qaato  Xasan Kheyre. Muse Bixi oo markii hore ka biyo diiday ayaa ka ogolaaday ganacsatidii wada-socotay in ay casho kuwada kulmaan dhamaantood.

Kulanka cashada ka dib  ayaa ganacsatatii ka baxday qolkii cashada iyada oo  isaga kala dhex baxay Muse Bixi iyo Xasan  Kheyre oo kali ah. Kulanka labada nin oo socday mudo ku dhaw labo sacadood ayaa waxaa uu Xasan Kheyre kala hadlay Muse Bixi damaciisa  ah in uu doonayo in uu u tartamo jagada Madaxweynaha Soomaaliya, sidaad darteedna uu kaalmo ka doonayo hogaanka Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mida ganacsata ka danbeeysay kulanka labada nin, Xasan Kheyre ayaa u sheegay Muse in  beesha Hawiye ay isaga taageersan tahay, dan-kastaa oo Somaliland ka leedahay Soomaaliya uu diyaar u yahay in uu fuliyo. Xasan Kheyre ayaa u sheegay Muse Bixi in dagaalkii lagu qaaday Somaliland ee ka yimid dhanka iyo dowlada Fedaraalka  uu isagu ka tirsan yahay uu   mas’uul ka ahaa  Farmaajo.

“wixii laga hadlay anagu ma sheegi korno hadda, laakiin waxa ayse labada dhinac noo xaqiijiyeen  in la isla gartay in si dadban iyo si toos ahba la isugu xiro beelaha Hawiye iyo beesha Isaaq, oo iyagu leh xiriir qaasa”. Sidaad waxa yiri mid ka mida ganacsatada shirkaas soo qabanqaabisay oo naga codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Dhanka kale Muse Bixi ayaa dhankiisa u sheegay qaar ka mida wafdigii la socday in Kheyre ka codsaday in Somaliland ka caawiso doorashada soo socoto.

“.waa runoo waanu wada kulanay, waqti fiicana waan isku helnay, waxaana u sheegay Kheyre in uu marka hore iska soo xureeyo kuwa hayso  oo ku shaqeeysta. Waxaana u raaciyay… anagu reer Somaliland runta ayaanu sheegnaa, oo kama baqno,  adeer nin adeege ah wax kuma darsan karno” Ayuu yiri Muse Bixi.

Muse ayaa ku daray, “ hadii adanba caawa waxba ka qaban karin qodobada xaqa ah ee Somaliland ku taaagan tahay, loona baahan yahay  in loo ogolaado, oo aad Farmaajo teleefan ku garaacaysid sakankii kastaaba markii aanu isqabsano, sidee baanu wax kuugu darsanaa, ileen nin baaba ku leh”

Xasan Kheyre ayaa in mudo ah waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu xiriir hoose ula sameeysan lahaa beesha Isaaq ee degta Somaliland isaga oo rajo ka qabo in ay ku taageeraan xulista xildhibaanada baarlamaanka kuwaas oo uu rajo ka qabo in ay u codeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here